Feysal Cali Waraabe oo shaaciyey in Somaliland ay qarka u saraan tahay dagaal

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe oo waraysi siiyay Universal TV ayaa sheegay in ergo beesha caalamka ka socota oo uu Nairobi kula kulmay, uu uga warbixiyay mawqif mucaaradka ee ku aadan in aanay aqbalayn doorashada urrurada siyaasada.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in 30 sano kaddib Somaliland ay qarka u saaran tahay rabshado uu sabab u noqdo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi maadaama uu ka dhega fureystay in uu qabto Doorashada ku waqtiyeysan 13-ka November 2022.

“Beesha caalamka ayaanu meesha ay taagantahay la wadaagnay, madaxweynahana kulan fogaan arag ah ayey la yeesheen inkasta oo aanan oran karin madaxweynuhu siduu uga warramay sax ayay ahayd, kalmada uu yiri axsaabta ogolaatay furista urrurada  siyaasada manaan ogolaan anagu,” ayuu yiri Waraabe.

Waraabe ayaa hadalkiisa sii raaciyay in cabsida ka taagan Somaliland uu sabab u yahay Madaxweyne Muuse, waxa uu soo jeediyay in la tixgeliyo dastuurka iyo nidaamka kale lagu heshiiyay si looga fogaado isku dhac & rabshado dhaca wuxuuna xusay inay arrintaas la wadaageen beesha caalamka.

“Somaliland 30-sano kaddib waxa ay wajaheysaa xaalad adag, Beesha Caalamka waxa aan la wadaagay in Madaxweyne Muuse Biixi uu sabab u yahay rabshada jira, Been ayuu u sheegay Beesha Caalamka, Somaliland waxa ay u baahan tahay in Doorasho ka dhacdo sidii loo qaban jiray oo kale,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Madaxweyne Muuse ku eedeeyay in markii uu arkay Guusha Mucaaradka uu ka gaaray Doorashada Golaha Wakiilada uu go’aansaday in uu ka caga-jiido qabashada doorashada.

Lacag dhan $5 Milyan oo doollar oo ah miisaaniyadda loogu talagalay Doorashada ayuu sheegay in lagu shubay koontada loogu talagalay, waxa uu dusha ka saaray eedeyn ah in uu ka shaqeynayo in isku dhacyo dhaca.

“Doorashada Madaxweynaha oo waxkasta u diyaarsan yihiin oo miisaaniyadda lagu shubay $5 Milyan oo dollar ayay markaas is qabteen Xisbiga Waddani oo Golaha Wakiilada qaatay, qaska isaga ayaa keenay, waa markii ugu horreysay ee Maleeshiyo hubeysan Hargeysa soo gasho” Sidaasi waxaa yiri Faysal Cali Waraabe oo la hadlay TV-ga Universal.

Ergada beesha caalamka ee kulanka la yeeshay guddoomiyaha oo madaxweynaha Somaliland kulan fogaan arag ah la qaatay Khamiistiii ayey madaxtooyadu sheegtay in la isku afgartay in doorashooyinka la amba qaado, iyaguna gacan ka gaystaan.