Xog sirdoon iyo walaac ku saabsan in Farmaajo uusan doorasho rabin oo xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tirsanaya sanadkii 6-aad ee xukunka Villa Somalia, wuxuu noqday hoggaamiyihii ugu waqtiga dheeraa burburikii kadib.

Ilaa hadda ma cadda waqtiga laga bedali doono xukunka ama inay doorashadaan ku dhamaa doonto si nabad ah, Farmaajo dagaal badan ayuu u galay inuu xukunka dheereysto.

Mararka qaar wuxuu la imaanaayey farsamo xaalad abuur ah, si xukunka uu u sii joogo, balse hadda waxaa mar kale so ifbaxaya cabsi ku saabsan in Farmaajo uusan doorasho u socon.

Xog-Sirdoon oo ay wadaageen dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta ayaa muujineysa in Farmaajo uusan waayahaan doorasho ka shaqeyn.

Inkastoo aysan cadeyn waxa kale ee Farmaajo uu maagan yahay, hadana siyaasiyiinta dalka intooda badan ayaa xoojinaya walaac ah in Farmaajo uusan doorasho u socon.

Sirdoonka dalalka dariska la ah Soomaaliya waxay ahaayeen ishii koowaad ee bishii Janaayo 2021-kii soo dusida in Farmaajo uu mudo kororsi laba sano ah aadi doono, wax kasta oo ay ku qaadato, taas waxay ugu dambeyn cadaatay bishii Abriil ee sanadkaas oo baarlamaanku laba sano uu ugu daray Farmaajo, inkastoo tallaabadaas uu si cad ugu fashilmay.

Sirdoonka dalalka deriska waxay hadda dusinayaan xog kale oo walaac leh, taas oo sheegeysa in Farmaajo uusan u socon olole doorasho iyo ka fekerka dib ugu soo noqoshadiisa doorasho dhacda kadib.

Siyaasiyiinta gudaha oo xogahani ay soo gaareen waxay ayaguna xoojinayaan dareenkaan, iyagoo adeegsanaya sababahaan soo socda:

1– Xildhibaanada soo baxay

Farmaajo waa ninka xildhibaanada ugu badan ay u soo baxeen haddana waa uu ka gaabsaday inuu waqti siiyo oo qaabilo xildhibaanadii u soo baxay ama uu xiriiriyo.

Xildhibaano badan oo Muqdisho jooga oo la aaminsan yahay inay Farmaajo taageero u yihiin, ayuusan wax olole ah ka dhex wadin.

2– Qoor Qoor iyo Laftagareen

Labadaan hoggaamiye ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo la aaminsan yahay inay gaareen lacago doorasho oo ay dowladda Qatar bixisay ayaa dhawaan u yeeray xildhibaanadii ay soo saareen.

Waxaa la filaayey inay u tilmaami doonaan jihada doorashada madaxweynaha, laakiin labada hoggaamiye midkoodna uma sheegin xildhibaanada qofka la dhisayo.

Laftagareen 77 xildhibaan ayuu u yeeray, laakiin xildhibaanada kuma dhihin “Waxaan dhiseynaa Farmaajo” sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaanadii kulanka tegay.

Dadka falanqeeya siyaasadda arrintaan waxay ku macneeyeen in labada ninba aysan ogeyn halka loo socdo.

3– Arrimaha ciidanka

Farmaajo wuxuu weli wadaa dalacsiinta saraakiisha ciidanka, inta uu saraakiisha ciidamada qaabilo ayaa la sheegay inay ka badan tahay inta uu xildhibaanada qaabilo.

Dhawaan waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble lagula taliyey inuu is bedal ku sameeyo hoggaanka hey’adaha amniga, balse waxaa kaga hor maray Farmaajo oo si dhoolatus ah u qaabilay saraakiisha ciidanka.

4– Qorshaha guluf dagaal

Waxaa jira qorshe dagaal oo ay NISA diyaarisay oo lagu wareejiyey Taliska ciidanka xoogga dalka, qorshahaas wuxuu ku wajahan yahay Al-Shabaab.

Kooxda Farmaajo waxaa laga soo weriyey inay macquul tahay in mar dhow la bilaabo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, xilli siyaasiyiin badan ay ka shaqeynayaan olole doorasho, Farmaajo wuxuu u socdaa dagaal saf-balaaran ah oo lagu qaado Al-Shabaab.

5- Ciidankii ka imaanayey Eritrea

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in la qorsheeyey in ciidanka jira Eritrea la keeno oo dhulka lasoo marsiiyo, iyadoo lasoo dhex-marsiinayo Itoobiya, dalkana laga soo gelinayo xuduudaha gobollada.

Hadal heynta jirta waxaa ka mid ah in howgal dagaal oo laga fuliyo gobolka Jubbada Dhexe uu mudnaan u leeyahay Farmaajo, weliba doorashada ka hor.

6– Ka gaabsiga loolanka guddoonka BFS

Farmaajo iyo kooxdiisa waxay hoos u dhigeen qorshahooda musharaxiinta u taagan guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka, waxay muujinayaan in wax kale ay ku mashquulsan yihiin, inkastoo aan taas weli la fahmin.

Arrimahaan iyo kuwo kaleba waxay dib u abuurayaan walaaca ku aadan inuu Farmaajo ka shaqeynayo waxaan doorasho aheyn, laakiin siyaasiyiinta mucaaradka oo xogtaan gorfeynaya waxay ku doodayaan in mar kasta uusan Farmaajo qaadi karin tallaabo kale oo qar iska tuurnimo ah, isagoo ka cabsanaaya ciqaabta reer Galbeedka.

Hase yeeshee markii dhinac kale laga eego habdhaqanka kooxda Farmaajo wax kasta ayaa ka suurtaaba, in kastoo awooda doorashada aysan hadda gacanta Farmaajo ku jirin, hadana wuxuu weli heystaa awoodii ciidanka, taasi waxay suurta gal ka dhigeysaa in tallaabo kasta uu qaadi karo.