Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis ka gaaray qodob xasaasi ah – Xog

Nairobi (Caasimada Online) – Agaasimaha hey’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo dhigiisa dalka Kenya ayaa lasoo werinayaa inay Nairobi ku yeesheen wada-hadallo lagu hormarinaayo qaar ka mid ah qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kentta.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in dib loo bilaabo iskaashigii dhinaca amniga, Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Horay labad dal waxay isaga kaasha jireen la dagaalanka kooxda Al-Shabaab, laakiin taasi waa istaagtay, maadaama mudadii uu xukunka joogay Farmaajo aan dagaal lagu qaadin Al-Shabaab.

Ilo ka tirsan hey’adda nabad sugidda Soomaaliya ayaa sheegay in hoggaanka sirdoonada labada dal ay isku af-garteen qodobo dhowr ah oo u badan sida loo wajahayo dagaalka Al-Shabaabka ku sugan gobollada dhaca xuduuda labada dal.

Xogta la bixiyey waxaa ku jirta in Mahad Salaad uu dhigiisa Kenya kala hadlay duqeymo ay in mudo ah ciidamada Kenya ka wadeen gobolka Gedo.

Duqeymahaas oo joogto ahaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay waxaba lagama qaban, maadaama uu liitay xiriirka labada dal, shacabka Soomaaliyeed ee gobolkaas ayaa dhibaato xoog leh ku qabay duqeymaha diyaaradaha Kenya.

Dad iyo duunyo badan ayaa lagu laayey duqeymahaas, shacabka gobolka Gedo ayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka dhowr jeer u gudbiyey cabasho ka dhan ah duqeymaha Kenya, balse hadda ka hor waxaba lagama qaban.

Inta badan duqeymaha waxaa lala beegsa jiray xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Soomaalida ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka, arrintaan ayaa sidoo kale saameysay daqliga gudaha ee dowladda federaalka.

Shirkadaha qaar ayaa dowladda kula dooday sababta ay canshuur uga qaadeyso, hadii aysan kala hadli karin Kenya oo burburineysa hantidooda.

Sida aan xogta ku helnay qodobada uu Mahad Salaad sirdoonka Kenya kala hadlay waxaa ugu horeeya in la joojiyo duqeymaha Kenya ay ka geysato gudaha Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay isla qaateen, in hadii ay jirto duqeyn lama huraan ah oo lagu beegsanayo Al-Shabaab in lala soo wadaago dowladda Soomaaliya, si loo hubiyo badqabka shacabka iyo hantida dadka Soomaaliyeed.

Kenya waxaa la sheegay in arrintaas ay ka aqbashay Mahad Salaad, wallow dhowr jeer oo hore balamo lala galay aysan fulin, hadii uu hir galo qodobkaan, faa’iido weyn ayey ku tilmaameen xubnaha xogtaan la socda.

Qodobkaan ayaa ka mid ahaa mowduucyadii ugu xasaasi-sanaa ee looga hadlay kulanka hoggaanka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna Soomaaliya u lahaa muhiimad gaar ah, sida uu noo xaqiijiyey sarkaalka nala wadaagay xogtaan.

Qodobka iskaashiga ammaanka ee labada dal oo ka mid ahaa heshiisyadii labada Madaxweyne ay dhawaan gaareen, wuxuu ahaa qodobkii ugu horeeyey ee toos loo guda galay fulintiisa, markii la eego 11-kii qodob ee labada dal ay ku heshiiyeen.