Xog: Somaliland oo xaraasheysa garoonka diyaaradaha Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaaya warar sheegaya in maamulka Somaliland uu xaraashaayo Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa kaasi oo dhawaan loo dhameystiray dhammaan qalabkiisa.

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay in Garoonka ay ka xaraasheyso dowlada Imaaraadka Carabta oo iyadu saameyn ku dhex leh Somaliland.

Somaliland ayaa la sheegay in gabi ahaan maamulka iyo dhismaha Garoonkaasi ay ku wareejisay Dowlada Imaaraadka oo iyadu ku shaqeyn doonta Garoonka kadibna dhaqaalaha kasoo xarooda ay la wadaagi doonto maamulka Somaliland.

Heshiiska ayaa la sheegay inuu yahay in dhaqaalaha kasoo xarooda Garoonka 3 meelood hal iyo bar lasiiyo Somaliland, halka inta soo hartana ay qaadan doonto dowlada Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka ayaa sidoo kale la sheegay inay la imaaneyso Saraakiil iyada u gaara oo kasoo jeeda dalkeeda kuwaasi oo la wareegi doona maamulka Garoonka.

Heshiiska ay Somaliland ku xaraasheyso Garoonka ayaa waxa uu barbar socday Heshiiskii lagu kala wareejistay Dekadda Berbera oo dhawaan loo gacan galiyay dowlada Imaaraadka Carabta.

Farxaan Aadan Haybe oo ah Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Maamulka Somaliland oo arrintaani waxa laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday balse waxa uu sheegay in Garoonka uu weli yahay mid ku jira Gacanta maamulka.

Farxaan waxa uu sheegay in warbaahinta un uu ku arkay warkaasi balse shaqsi ahaantiisa uusan garankarin, hayeeshee keliya uu xaqiijinaayo inaanu jirin xaraashkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Somaliland ayaa horey Dekada Magaalada Hargeysa waxa uu ugu wareejiyay shirkad lagu magacaabo DP-World oo hada maamuleysa Dekadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com