Sawirro: Maxay DF iyo beelaha ugu kala hiiliyeen Cabdi Tahliil iyo Abwaan Sangub

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku xanuunsan Al-Fannaan Cabdi Tahliil Warsame iyo Abwaan Maxamuud Ciise Sangub.

Al-Fannaan Cabdi Tahliil oo ayaa iminka xanuun la jiifa Hooygiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho, halka Abwaan Sangub uu ku jiro Isbitaalka Digfeer ee hadda loo yaqaan Rajab Tayyep Erdogan.

Cabdi Tahliil ayaan awood u laheyn inuu iska bixiyo kharajka Isbitaalka, iyadoo ay xusid mudan tahay inaanu jirin wax gurmad ah oo kasoo gaaray dhanka DFS oo iyadu ay mas’uuliyad ka saaran tahay la socodka Hobolada.

Cabdi Tahliil oo reer ahaan kasoo jeeda dadka aan awooda ku dhex laheyn DFS, ayaa waxa uu iminka heysan gargaar mid dowladeed iyo mid shaqsi ahaaneyd, mana jirto cid dhag jalaq u siisa qeyla dhaanta kasoo yeereysa qoyskiisa.

Cabdi Tahliil waxa uu dhowr jeer dalbaday in wax laga qabto xanuunka haya oo u baahan dhaqaale aad u yar, balse nasiib darada ka jirta dalka darteed ayaa waxa uu ku qasbanaaday inuu afkiisa qabsado bacdamaa aanu jirin cid gurmad u fidisa.

Abwaan Sangub oo muddo yar ku xanuunsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa iminka loo fidiyay gargaar degdeg ah, waxaana si joogta ah Isbitaalka ugu booqda Wasiiro, Xildhibaan, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo shaqsiyaad kale.

Abwaan Sangub ayaa deeqo degdeg ah iminka ka helay Mas’uuliyiin ka tirsan DFS kuwaasi oo marka xaqiiqda laga hadlo beel ahaan ugu gurmaday Abwaanka, waxa ayna nasiib daradu tahay in DFS ay kala fadisho Fannaan Cabdi Tahliil iyo Abwaan Sangub.

Dadka qaar waxa ay isla dhexmarayaan in Cabdi Tahliil lagu liidaayo reer ahaan maadaama xaalka Somalia uu yahay mid ku xeeran Qabyaalad iyo is qabiileysa aan dhamaan.

Waxa ay sidoo kale hadal hayaan in Abwaan Sangub ay gurmad u fidiyeen dadka ku heebta ah oo iyagu buux dhaafiyay Isbitaalka, halka qaarna ay ku loolamayaan inay ka warqabi doonaan inta ka harsan Noloshiisa iyo Caafimaadkiisa.

Haddaba Su’aashu waxa ay tahay maxay Wasiirada iyo Xildhibaanada ku kala fadilayaan Al-fannaan Cabdi Tahliil iyo Abwaan Sangub?
sangub-1

sangub-2

sangub-3

sangub-4

sangub-5
cabdi-tahlii-2

cabdi-tahliil-1

cabdi-tahliil-3