XOG: Somaliland oo xirtay sarkaal sare ‘oo jaajuus u ahaa sirdoonka Somalia’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo-wareedyo xog-ogaal ahi, waxaa saldhiga dhexe ee Hargeysa muddo laba todobaad ah ku xidhan, Yaasir Saleebaan oo ah xidhiidhiyaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh amniga.

Yaasir ayaa waxaa xidhay oo hadda gacantooda ku haya ciidamada amniga Somaliland, kaasi oo dhowr jeerna maxkamad kasoo hor muuqday, kadibna oo dib loo celshay.

Sida ay ilo-wareedyo amni u xaqiijiyeen Caasimada Online, Yaasir ayaa loo haystaa eedeymo culus, sida khiyaamo qaran iyo bixin sir qaran oo muhiima oo uu u gudbiyey sirdoonka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyey inuu muddo si hoose ula shaqeynayey nabad-sugidda Soomaaliya iyo sirdoonno kale oo caalami ah, oo aan la shaacin waxa ay yihiin. Sidoo kale wuxuu Yaasir wada-shaqeyn dhaw la lahaa Sirdoonka iyo xafiiska Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Somaliland weli wax faah-faahin ah kama aysan bixin habka uu Yaasir ula shaqeynayey sirdoonka Soomaaliya iyo xogta uu u gudbiyey nooca ay tahay, haddiiba ay jirto.

Yaasir Saleebaan ayaa waxa la shaqo geliyey xilligii xukumadii Siilaanyo talada haysay, waxaana markaas mar loo xidhay kadib markii lagu helay khiyaamo iyo inuu fojar-gareeyay, hab khaldanna u adeegsaday saxeexii wasiirka arimaha gudaha xilligaas Waran-cade.

Si kastaba, waxaa lagu sii daayey Yaasir qaab beelaysan maadaama uu Siilaanyo oo xiligaas talada hayey adeer dhaw u ahaa, ka hor inta aan dhowaan dib loo xirin.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com