Xog: Taabit oo wada qorshe uu xilal badan ku qaadayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, ayaalagu wadaa in maalmaha soo socda uu xil ka qaadis ku sameeyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa la xaqiijiyay in xil ka qaadista uu ka bilaabi doono ilaa Seddex Degmo oo kala ah Hodan, Howlwadaag iyo Waaberi, kuwaa oo la diyaariyay shaqsiyaadka loo magacaabi lahaa.

Taabit ayaa la sheegay in Guddoomiyayaasha cusub ee Degmooyinka uu kusoo biirin doono mid kamid ah weriyayaasha ka howlgala Idaacadaha Muqdisho, halka qaarna ay ka imaan doonaan garabka ololaha u qaabilsanaa Farmaajo.

Shaqsiyaadka xilalka weyn doono ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Agaasimayaal iyo Guddoomiye waaxeedyo dhanka Xafiisyada Xarunta Gobolka kuwaa oo iyaguna la diyaariyay shaqsiyaadka lagu bedeli lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa dhawaan shiriyay Guddoomiyayaasha Degmooyinka iyo Qeybaha kale ee maamulka Gobolka waxa uuna ku wargaliyay inaanu u dulqaadan doonin shaqsiyaad ka jiifa howlahooda.

Waxa uu sheegay inay u sahlan tahay in xilka uu waayo shaqsiga ku caanbaxa Musuqa iyo shidada, waxa uuna u ballanqaaday in mid waliba uu si gaara ula xisaabtami doono.

Gudaha Bishaani ayaa lagu wadaa in Guddoomiyaha uu soo saaro Wareegtadii ugu badneyn oo xilalka looga qaabo Mas’uuliyiinta Degmooyinka iyo Agaasimayaasha.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET