Gaadiid dagaal oo ku qul qulaya Labi-Caano iyo xiisad cirka isku shareertay

Galgaduud (Caasimada Online) – Wararka naga soo garaya Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolka ay saaka ka jirto xiisad dagaal.

Wararku waxa ay sheegayaan in xiisada ay tahay mid ka taagan degaanka Labi-Caano oo ay shalay ku dagaalameen Maleeshiyo Beeleed.

Maleeshiyo beeleedka ay xiisadu u dhaxeyso ayaa la soo warinayaa in saaka ay gaadiid dagaal soo dhooben degaanka Labi-Caano.

Degaanka Labi-Caano, ayaa waxaa saaka lagu arkayaa gaadiid dagaal oo kor u dhaafaya 13 kuwaa oo ay kala wataan maleeshiyaadka labada dhinac.

Gaadiid gurmad ah ayaa la xaqiijiyay inay soo kala gaarayan labada dhinac, waxaana cirka isku sii shareeraya xiisada.

Xaalada degaanka Labi-Caano ayaa iminka ah mid kacsan waxaana laga cabsi qabaa in halkasi uu ka Qarxo dagaal uu mar kale dhiig ku daato.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET