Xog: Taliyaha cusub ee booliska DF oo wax aysan fileyn ku sameeyey ciidanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Ciidamada Boliska Dowlada Federaalka Somalia, ayaa Caasimada Online sheegaya in Taliyaha Cusub ee Ciidamada Boliska Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil uu is hortaagay bixinta mushaaraadka Ciidamada.

Ilo-wareedka ayaa sheegaya in Taliyaha uusan bixin Mushaaraadka Ciidamada bisha lagu jiro, waxaana la Tilmaamayaa in Taliyaha iyo Saraakiisha ay qaati kala taagan yihiin, kadib markii Taliyahaani Cusub uu caqabad ku noqday xuquuqda Ciidamada, halka Taliyihii hore uu fududeyn jiray Mushaaraadka.

Sidoo kale, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa la sheegayaa inuu dhimis %50 ku sameyn doono Mushaaraadka Ciidamada ay qaadanayaan, waxa ayna arrintaasi noqoneysaa mid kala didin karta Ciidamada Boliska ee Howlgalada xili waliba kawada Wadooyinka Magaalada, mana jirto cid illaa iyo iminka ka hadashay faragalinta uu Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil durbaba ku sameeyay Nidaamka Booliiska.

Dhanka kale, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa waxaa lagu sheegaa inuu yahay Taliye aad u adag, islamarkaana aan ku fiicneyn dhanka la tacaamulka Ciidamada iyo Saraakiisha har iyo habeen taagan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com