XOG: C/WELI oo looga yeeray ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Villa Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Dowlada Federaalka C/weli Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminaayo ay u ambabixi doonaan Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, dhowaan.

Ilo-wareed ka tirsan Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Socdaalka Ra’isul wasaaraha uu salka ku haayo la tashiyo dhanka Ammaanka ah iyo in R/wasaaraha uu ka warbixiyo Magacaabista  xubnihii lagu soo biiriyay Dowlada.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in Ra’isul wasaaraha uu kulan la qaadan doono Dhigiisa Dalka Ethiopia, Madxaweynaha iyo Wasiiro ay kamid yihiin Dhaqaalaha, Gaashaandhiga.

Si rasmi ah looma shaacin inta maalin oo uu Ra’isul wasaaraha kusii nagaan doono Magaalada Addis Ababa, balse warar ayaa sheegaya inuu halkaasi ku sugnaan doono muddo Seddex maalin.

Dowlada Ethiopia ayaa saameyn wey ku dhex leh Dalka Somalia, waxaana jiro Siyaasiyiin iyagu in badan la soo shaqeeyay Dowlada Ethiopia oo iminkana xubno ka ah Dowlada Federaalka.

Dhanka kale, Socdaalka Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa qeyb ka noqon doono Saraakiil kasoo Jeeda Dalka Ethiopia oo ku sugan Villa Somalia, Xarunta xalane, iyadoona la filaayo inuu horay usii raaci doono Xeer ilaaliyaha Cusub ee dhawaan la magacaabay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com