KAY oo qasbay CABDI Weli GAAS taasi oo keentay inuu ku dhowaaqo arrin…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay mar kale inay diyaar u yihiin wada-hadal ay la galaan dowladda faderaalka, kadib markii uu cadaadiyey Nicholas Kay.

Gaas waxuu sheegay Puntland inay mar walba u taagan tahay sidii Soomaalida umidoobi lahaayeen, waxuuna inta ku daray inay aqbalayan qorsha ay Qaramada Midoobay ku doonayoso xalinta khilafka kala dhexeya faderaalka.

“Nicholas Key waxa uu noo sheegay in uu rabo in uu dhiso Buundo u dhaxaysa Dowladda Puntland iyo Fadaralka,waxaan leenahay anagu diyaar baanu u nahay in la dhiso buundadaasi laakin cid waxaa jirta iyadu dube u haysata in buundadaasi dumiso waxa laraba marka in iyaga aad u sheegto in Puntland ogolatay in buundadasi la dhise war idinku ka daaya dubaha ku dheh” ayuu yiri Gaas.

Gaasdhowr mar oo hore waxuu sheegay Puntland inay diyara u yihiin xalinta khilafka kala dhexeya dowladda faderaalka ee u hoggaamiyo, madaxweyne Xasan.

Balse majirin wax jawaab ah oo hadallada Gaas ay ka bixiyeen madaxda faderaalka,xilligan wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu wado dhismaha jid labada dhinac lugu hadal siinayo.

Nicholas Key ayaa Puntland ku sheegay inay muhiim u tahay jiritanka Soomaaliya, maadaama ay wali ka shaqeynayso isku keenida dhinacyada Soomaalida.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen faderaalka, kaddib markii Muqdisho lugu dhisay maamulka gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ay Puntland ka soo horjeesatay, inkasto hadda laga qanciyey sida uu maamulka noqon doono.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com