SAWIRRO: Askartii Axmed Madoobe oo u gacan galay COL. BARRE HIIRAALE

Kismaayo (Caasimada Online) – Labatameeyo askari oo ka soo goystay Maamulka Kmg ah ee Jubba, ayaa ku biiray Xoogaga Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), oo ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadaan waxaa Isniintii lagu soo bandhigay Xerada Ciidanka ee Sabca Ashraaf, halkaa oo ay kula hadleen Saraakiil ka tirsan garabka Korneyl Barre Aadan Shire.

Qoraal uu soo saaray Barre Hiiraale, ayaa waxaa lagu sheegay in askartaan lagu soo tababaray Xerada Militariga Kamanga ee dalka Kenya, waxayna tallaabada ay isugu soo dhiibeen Barre Hiiraale ka dambeysay, markii ay si xun ula dhaqmeen Ciidamada Kenya.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in askartaan ay si iskood ah isugu soo dhiibeen Barre Hiiraale, xilli ay wateen dareyskooda iyo hubkoodiiba.

Barre Aadan Shire, ayaa sheegaaya in ay si diiran u soo dhaweeyeen askartaan, isla-markaana uu ku bogaadinaayo inay garteen hagardaamada Ciidamada Kenya, oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Korneyl Barre Hiiraale, ayaa sanadkii hore dagaal looga soo saaray Magaalada Kismaayo, markii Ciidamada Kenya ay la safteen Xoogaga Axmed Madoobe, xilli ay ku wada dagaalamayeen Kismaayo.

ju1ju2ju3ju4ju5ju6ju7ju8

Isha: Dhacdo.com