Puntland oo diiddan in Xamar ay tahay caasimada SOMALIA iyo qodobo kale

Garoowe (Caasimada Online) – Magaaalada Garoowe waxaa maanta oo Talaado la filayaa in ay ka soo baxaan 11-qoddob kuwaasoo ka soo baxay kulan labadii cisho ee la soo dhaafay Garoowe ay ku yeesheen, madaxweynaha maamulka Puntland, ku-xigeenkiisa iyo xildhibaannada ka soo jeeda deegananda Puntland ee ka midka ah baarlamaanka Soomaaliya.

Sidda aan wararku ku helnay kulanka labada gees ayaa looga hadlay go’aankii dhawaan maamulka Puntland ay xiriirka ugu jartay dowladda federaalka Soomaaliya kaddib markii xarunta Villa Somalia uu ka dhacay heshiis lagu yagleelaayo maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Caasimada Online, in xildhibaannada tagay Garoowe in ay soo dhaweeyeen go’aanka maamulka Puntland ay xiriirka ugu jartay dowladda dhexe, waxaana maanta si rasmi ah loo shaacin doonaa qoddobada ka soo baxay kulanka labada cisho ka socoday xarunta madaxtooyda Garoowe.

Qaar ka mid ah qoddobada ka soo baxay kulanka waxaa ka mid ah:-

1-    In Puntland ay ku adkeysato go’aanka ay xiriirka ugu jartay dowladda dhexe iyo in aysan aqoonsan heshiiska lagu gaaray Muqdisho ee ah dhismaha maamul ay ku mideesan yihiin gobalada dhexe.

2-    In Puntland ay qaadacdo deeqaha waxbarasho iyo midda bini’aadinimo ee lagu soo qaado magaca Soomaaliya taasoo ay qeyb ka tahay Puntland iyo gobalada kale.

3-    In Puntland aysan dastuuri u arag in caasimada Soomaaliya ay tahay Muqdisho.

Si kastaba, waxaa muuqata in Puntland ay ku dhaqaaqeyso tallaabo uusan sharciga dalka u oggoleyn iyadoo noqotay caqabad ballaaran oo heysta Soomaaliya sidda ay lee yihiin xeel-dheerayaasha siyaasadda.

Axaddii ayey ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Key uu ka sheegay Garoowe in uu soo celin doono xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo dowladda fedaralka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com