Wasiiro iyo xildhibaanno fidno wada !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeyla dhaan ka soo yeertay Madaxda iyo Saraakiisha Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur-Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia ay qas ka dhex wadaan dadka dega Magaalada Baydhaba.

Qeyla dhaanta ayaa waxaa looga soo horjeedaa  waxa loogu yeeray Fidno ay hurinayaan Wasiirada iyo Xildhibaanada, kuwaasi oo iyagu la sheegay in marba qeyb ay kicinayaan, qaarna ay xirayaan, balse aan la garaneynin danta ay ka leeyihiin.

C/llaahi Maxa’ed waxa uu Tilmaamay in Wafdiga DF ka socda ee Magaalada Baydhaba ku sugan ay amar ku bixiyeen in la xir-xiro gabi ahaan shaqsiyaadka taageersan Maamulka Lixda Gobol, sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna intaa raaciyay in Arrintaasi ay sababtay xariga Tobaneeyo Nabadoon oo lagala soo dhex baxay Hoteelada iyo guryaha ku yaalla Magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, Waxa uu sheegay in Taargeet-ka uu iyagu yahay, waxa uuna Dowlada Federaalka ugu baaqay inay cadeyso in Ujeedka ay Wafdiga usoo direen uu yahay dhibaateynta Waxgaradka iyo shacabka iyo in Ujeedku yahay xalinta khilaafaadka.

“Wafdiga Dowladu waxa ay u joogaan Baydhabo fidno iyo kala fogeyn, maalmo ka hor Magaalada Baydhobo way deganayd Xaaladeeda xiligaani wey kacsan tahay waxaana qasaayo Wafdiga DF ka jooga Baydhabo’’ Sidaa waxaa yiri C/llaahi Maxa’ed

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa ‘’DF xal ayay u aragtay in Colaado ay ka dhex abuurto Maamulada Lixda iyo Seddexda, balse iyada ayaa dhabarka saaran doonto natiijada kasoo baxda’’

Dhanka kale, C/llaahi Maxa’ed wuxuu sheegay in Maamulka Lixda Gobol Dadaal uu sameeyay oo ay soo daayen Odayaashii laga xiray oo marti u ahaa Maamulka Koonfur Galbeed, balse ay uga baahan yihiin in DF ay ka jawaab bixiso sababta dambi la’aanta loo xiray Odayaashii lagala soo baxay Hoteelada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com