SIILAANYO oo aqoonsi weydiistay KAY, balse maxaa loogu jawaabay? (XOG)

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa maanta oo Talaado ah kulan ku yeeshay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxammuud Siilaanyo iyo ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key oo ku sugan Hargeysa.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xiriirka UNSOM iyo Somaliland, siyaasadda Soomaaliya iyo arrimo kale.

Markii uu kulanka soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo danjire Kay

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in arrimaha Somaliland ay kala hadleyn danjire Kay ay ahaayeen kuwa si fiican la isku afgartay, wuxuuna intaas ku daray in ay kala hadleyn ictiraafka Somalialnd ay raadineyso iyo in dib UNSOM xafiiskeeda ay uga furato magaalada Hargeysa.

Wararka ayaa sheegaya in Kay uu si cad Somaliland ugu sheegay in caalamka uusan hadda diyaar u ahayn aqoonsi Somaliland.

Kay ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirka arrimaha dibedda Somaliland uu kala hadlay siddii loo xoojin lahaa xiriirka UNSOM iyo Somaliland iyo xilliga la filaayo UNSOM in ay xafiis ka furato Somaliland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Somaliland ay kala hadleyn siddii ay qeyb uga qaadan lahayd barnaamijka New Deal oo aan weli laga hirgalin Somaliland isagoona tilmaamay in dib u dhaca arrintan ku timid ay sabab u tahay Somaliland oo qaadacday in ay la shaqeyso xafiiskiisa oo wakiil ah gobalka oo dhan.

Danjire Kay ayaa labadii cisho ee uu joogay Hargeysa wuxuu la kulmay labada golle Somaliland, golaha guurtida iyo kan wakiilada sidoo kale wuxuu la kulmay hey’addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya Somaliland sidda uu ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Hargeysa.

Waa markii labaad oo danjire Kay uu yimaado magaalada Hargeysa tan iyo markii la yagleelay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya sannadkii hore.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com