Beesha Leelkase oo Puntland iyo R/W C/WELI qaati ka taaggan soona saartay go’aanno ka kooban sagaal (9) qodob

Waa Warsaxaafadeed ay soo saareen Hoggaanka Siyaasadda Beesha Tanade Daarood (Leelkase) oo ku socda Madaxda Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka.

Ku: Dhammaan Madaxda DFS Xarumahooda
Ku: Dhammaan Beelaha Soomaaliyeed Xarumahooda
Ku: Dowladaha IGAD Xarumahooda
Ku: Wakiilka Gaarka Ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay (SRSG UNSOM) Muqdisho

UJEEDDO:

CABASHO KA DHAN FAROGELINTA R/WASAARE CABDIWALI SHIIKH IYO MAAMULKA PUNTLAND

Beesha Tanade Daarood (Leelkase), kaddib markay:

a) U kuurgaleen farogelinta iyo carqaladaynta qaawan ee R/Wasaare Cabdiwali Shiikh iyo Madaxwayne Cabdiwali Gaas ay ku hayaan arrimaha maamul-u-samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud;

b) Arkeen farogalinta siyaasiyiin iyo odayaasha beelaha Majeerteen ay ku hayaan hawlaha  maamul y samaynta Gobolada Dhexe iyo carqaladaynta magacaabista Guddiga Farsamada;

c) Beeshu qiimaysay hadalkii eexda iyo qabyaalada xambaarsanaa ee R/Wasaare Cabdiwali Shiikh shalay ka jeediyay idaacada Radio Muqdisho

d) Beeshu daraasad dheer ku samaysay farogalinta qabyaaladaysan uu madaxwayne Gaas iyo siyaasiinta maamulka Puntland isbahaysi ku galay dhibaataynta beelaha gobolada dhexe.

e) Arkeen siyaasiin dhuuni raac ah oo u dhashay Gobolada Dhexe kuwaasoo laga dhigtay jaranjaro lagu dhibaateeyo danaha iyo deegaanada Gobolada Dhexe.

Sidaasi darteed anagoo ku hadlayna magaca guud ahaan beelaha Tanade Daarood ee ka soo jeeda Gobolada Dhexe, waxaan soo saarnay qodobada soo socda:-

1. Waxaan ka dalbanaynaa R/Wasaare Cabdiwali Shiikh inuu faraha kala baxo hawlaha loo igmaday Wasaradda Arrimaha Gudaha, Maamulada ka jira Gobolada Dhexe iyo carqaladaynta magacaabista Guddiga Farsamo.

2. Waxaan si adag digniin ugu diraynaa R/Wasaare Cabdiwali Shiikh, Maamulka Garoowe iyo siyaasiyiinta kalaba, inay faraha la soo galaan arimaha maamul u samaynta Gobolada Dhexe, sida ku cad Qodobka 11, Qodobka 12, Qodobka 46, Qaybta 1aad iyo 2aad, Qodobka 48, Qaybta 2aad ee Dastuurka Dawladda Fadaraaliga ah.

3. Haddii R/Wasaraare Cabdiwali Shiikh iyo xulufadiisu aysan faraha kala bixin arrimaha maamul-u-samaynta Gobolada Dhexe wuxuu u horseedi doonaa kacdoon ay beelaha degan Mudug iyo Galgaduud ay kalsoonida kala noqdaan Dawladda Fadaraalka ah, taasoo isla markiiba ku fashilantay hawlihii loo igmaday.

4. Waxaanu si adag digniin ugu diraynaa beelaha, siyaasiyiinta iyo dagaal oogayaasha ku nool Garoowe  inay faraha la soo galaan arrimaha magaalada Galdogob iyo guud ahaan maamu-u-samaynta Gobolada Dhexe;

5. Waxaana u sheegaynaa R/Wasaare Cabdiwali Shiikh iyo xulufadiisa intii uu ku mashquuli lahaa hawlaha maamul-u-samaynta Gobolasa Dhexe inuu culayska saaro dadka ka soo jeeda beeshiisa oo 24 sano ku dhibaataysan gobollada Jubbuyinka iyo Gedo.

6. Waxaanu ku baaqaynaa in R/Wasaare Cabdiwali Shiikh iyo xulufadiisu ay si cad u cadeeyaan sababta maamulka Mudug iyo Galgaduud u diidan yihiin.

7. Waxaanu R/Wasaaraha Dawladda Fadaraalka ah ka dalbaynaynaa inuu dhaxdhaxaad ka noqdo arrimaha dhex-yaala beelaha Soomaaliyeed isla markaasna la sameeyo guddi dhex-dhaxaadin iyo xaqiiqo sheegis dib-u-heshiisin dhab ah looga dhex sameeyo guud ahaan beelaha Soomaaliyed ee daga Gobollada Dhexe.

8. Waxaanu markale ka dalbaynayaa R/Wasaare Cabdiwali Shiikh in uusan ku khaldamin carqalaynta arrimaha maamul-u-samaynta Gobolada Dhexe iyo tan beesha Tanade (Leelkase),  isla markaasna inuu si buuxda u taageero hawlaha maamul-u-samaynta Gobollada Dhexe, kaas oo ay saxiixeen madaxdii ka horeysay.

9. Ugu danbayntii waxaanu si buuxda u taageersanahay maamul-u-samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana ummadda Soomaaliyeed ugu yeeraynaa in qof kasta lagu ixtiraamo deegaanka uu asal ahaan u degan yahay, lana dhowro xaquuqda, sharafta, midnimada, xasiloonida, nabadgelyada, wada-noolaanshada dhammaan beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wa Billaahi Tawfiiq!

Xasan Cabdulqaadir Xasan
Hoggaanka Siyasadda Beesha Tanade Daarood (Laylkase)

Warsaxaafadeedka oo English ah halkan ka arag