Xog: Taliye ka tirsanaa DF oo u goostay kooxda..

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyihii Ciidanka Nabadsugidda Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inuu ku biiray kooxda Ahlu-sunna kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay oo uu diiday inuu xilka wareejiyo, waxayna wararku sheegayaan inuu tegay degmada Mataabaan oo Ahlu suna ku biiray.

Taliyaha goostay ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Fanax, waxaana xilkiisa loo magacaabay sarkaal kale la yiraado Faarax C/llaahi Juuni. Waa markii ugu horeysay oo taliye maamulka Hiiraan ka tirsanaa ku biiro kooxda Ahulu suna ee goboladda dhexe.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Guddomiyaha Gobolka iyo guddoomiyaha Degmada Baledweyne ay la kulmeen taliyaha goostay kuna tirtirsiiyeen inuu xilka Warejiyo.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu xalay la baxsaday ciidamo isaga taabacsan una goostay dhinaca Ahlusunna ee ku sugan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com