ODOWAA oo ka hor khamiista go’aan gaaraya.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isku soo dhawaansho laga dareemayaa dhinacyadii ku kala aragtiyo duwanaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo SHabeelaha Dhexe, oo isku diidanaa habka loo qeybsanayo gudiga farsamada maamulka labada gobolka iyo Halka shirka lagu qabanayo.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay iney muuqdaan in arimahaasi xal laga gaaray, waxaana hadda laga hishiiyay halka la fidinayo gogosha maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in la isla gartay in shirka lagu qabto magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo la filayo inuu tago dhawaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, sidoo kalana booqan doona magaalada Jowhar.

Wasaarada arimaha gudaha oo u xilsaaran sameynta maamulada dalka ayaa laga sugayaa iney ku dhawaaqdo halka shirka lagu qabanayo oo ah magaalada Beledweyne, waxaana sida xogta aan ku heleyno la filayaa in wasiir odowaa uu ku dhawaaqo ka hor maalinta Khamiista ee soo socota, haddii culees kale uusan imaan.

Sidoo kale ilo xog Ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in la iska gartay in 31 xubnood ee gudiga farsamada loo kala qeyb sadaa 16 xubnood oo dhanka Hiiraan ah iyo 15 xubnood oo dhanka Shabeelaha Dhexe ah.

Waxaa horay la isugu hayay in xubnaha loo badiyo gobolka Hiiraan oo Gudoomiyaha gobolkaasi uu ku andacoonayay in beelo badan ay dagaan Hiiraan, laakiin waxaa ka diidanaa arintaasi gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com