DHAGEYSO: Muxuu FIQI ka yiri taliyaha cusub?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa waxa uu ka hadlay kartida yaliyaha cusub ee ciidamada xooga dalka iyo abaanduulaha cusub ee ciidamada xooga.

Fiqi, ayaa amaanay taliyaha cusub ee loo magacaabay ciidamada xooga dalka, wuxuuna sheegay in aqoon wanaagsan u leeyahay ka shaqeynta arimaha ciidamada dalka.

Sidoo kale wasiirkii gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in xiligan ciidamada xooga dalka hogaan looga dhigay dad aqoon u leh, lagana yaabo in dib u dhis weyn lagu sameeyo ciidamada.

“Wax weyn ayay kusoo kordhinayaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya, sababtoo ah waa saraakiil ciidanka wax weyn ka yaqaana oo Kumaandoos soo noqday, marka waxaan leeyahay ciidamada hadda ayay dib u dhis weyn halayaan.”ayuu yiri Fiqi.

Saraakiishii hore ee ciidamada xooga dalka ayuu ku amaanay dadaalkii ay sameeyeen intii ay hayeen xilalka hadda ay ka qaadeen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com