Kooxda Xasan Sheikh: Xildhibaanada mooshinka keenay waa lala xisaabtami doonaa dhowaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka mid Xildhibaanada lacagta badan ka qaatay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay Xildhibaanada Mooshinka ka keentay Madaxweynaha, inay u baahan yihiin in lala xisaabtamo.

Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo xubin ka ah Xildhibaanada difaacaysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoosta ka xariiqay in lala xisaabtami karo Madaxweynaha.

“Madaxweynaha waa lala xisaabtami karaa, xaq baa loo lee yahay in lala xisaabtamo, laakiin waxaa la xisaabtami kara qof u baahan in isaga la xisaabiyo.” Ayuu yiri Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan.

Waxa kaloo uu yiri “Mooshinka waxaa ka mid ah Golahii Wasiirada ee Xukuumaddii hore ee lagu soo eedeeyay is daba marin badan, qaladaad badan inay sameeyen, oo Baarlamaanka hortiisa xeer Ilaaliyaha u soo gudbiyay.”

“Marka qof naftiisa u baahan in la saxo, isaga waxba ma sixi karo ayagaana u baahan in lala xisaabtamo.” Ayuu yiri Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan oo la hadlay Idaacada Goobjoog.

Xildhibaan Mataan, ayaa ku waramaaya inaanu jirin qaab maanta Baarlamaanka lagu horgayn karo Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, maadaama aysan jirin sida uu sheegay Maxkamad Dastuuri ah.

“Moshiinkan sidiisaba si Baarlamaanka lagu gayn karo ma jirto, kuwii hore ee Ra’iisal Wasaare-yaasha waa ka duwan yahay, waa eedayn Madaxweyne. Madaxweyne eedayntiisa waxay u baahan tahay Maxkamadda Dastuuriga, waxa lagu soo eedeeyay qof lagu eedayn karana waa sharciga in la geeyo, haddii aysan dhisnayn Maxakamadda Dastuuri ah ma jirto Maxkamad isu duba dhacsan oo eedayntaasi qaban karto. Mooshinkaasina lama gayn karo Baarlamaanka, waxyaabo badan buu u baahan yahay sida sharciyadda, waxa uu u baahan yahay in laga fiirsado, qodob qodob in runtii sharciyadiisa loo fiiriyo buu u baahan yahay. Marka ma ahan mid lagu degdegi karo ama la dhihi karo Baarlamaanka hala geeyo, midaas iyadana waxaan ku cadaynay soo jeedinta aan guddoonka u gudbinay.” Sidaasi waxaa yiri Mataan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com