DFS oo shirkad cusub la gashay heshiis shidaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta heshiis shidaal baaris ah la saxiixay shirkad lagu magacaabo Spectrum ASA oo laga leeyahay dalka Norway, saxiixa heshiiskaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa shirkadda lagu siisay inay 28KM oo isku wareeg ah ay xaq u yeelato inay xeebaha Soomaaliya ka baarto shidaal.

Xaflad ay soo abaabushay wasaarada Bartoolka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu saxiixay heshiiskaasi iyadoo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke) oo xafladaasi ka sheegay in heshiiskani uu yahay mid labada dhinac ay iska kaashanayaan sidii loo ogaan lahaa shidaalka ku jira degaanada Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa ka mida heshiisyo dhowr ah oo dowladda Federaalka ay la gashay shirkadoi kala duwan oo shidaalka baara waxaana weli taagan murankii tuhunka musuqmaasuqa ee ka dhashay heshiis hore oo dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda SOMA Oil and Gas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com