Xog: Taliye Tuuryare oo beelo ka tirsan ABGAAL ku ceebeystay Muqdisho iyo Xasan oo amray.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Hay’add Nabad sugidda Soomaaliyeed ee NISA C/raxmaan Tuuryare ayaa ka hor tegay isla markaana joojiyay shir ay yeelan lahaayeen beelo ka horjeeda qaabka loo wado shirka maamul u sameynta gobollada Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Beelo ka tirsan Abgaal ayaa ka dhici lahaa Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, waxaana soo abaabulay waxgarad iyo siyaasiyiin qorshahoodu ahaa inay go’aan ka qaataan Shirka Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka ka maqan ayaa la sheegay inuu amar ku siiyay taliyihiisa Nabadsugidda inuu kala diro shirkaasi, isla markaana ka hortago, taasoo keentay in Taliye Tuuryare iyo ciidamo uu wato ay tagaan hotelka oo shirkii kala eryaan.

Taliyaha iyo ciidamada NISA ayaa marar badan loo adeegsaday in lagu caburiyo laguna hor istaago dad kala duwan oo ka shiri lahaa aayahooda, waxayna tani qeyb ka tahay hab dhaqanka madaxweyne Xasan Sheekh ee awood ku maquuninta dadka.

Waxaa sii xoogeysanaya beelaha diidan damaca madaxweynaha iyo kooxdiisa ee ah in shirka Jowhar lagu dhiso maamul goboleed uu madax ka yahay shaqsi uu madaxweyne Xasan Sheekh ballan siyaasdeed kula jiro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com