Xog: Tirada xildhibaanada baarlamanka G/Dhexe

Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ku dhawaaqay waajibaaadka laga doonayo ergooyinka ku sugan magaalada Cadaado, kuwaasi oo shalay loo furay wajiga labaad shirka maamulka loogu sameynayo Galgaduud iyo Mudug.

C/raxmaan Maxamed Odowaa, ayaa ku dhawaaqay in eergooyinka magaalada Cadaado laga doonayo iney soo xulaan xubnaha baarlamaanka maamulka laga dhisayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya si ay iyaga usoo doortaan madaxweynaha uu yeelanayo maamulkaasi.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ergooyinka laga doonnayo iney ansixiyaan dastuurka maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, si horumar looga gaaro dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Waxaa soo baxaya xogo ku saabsan tirada xildhibaanada uu yeelanayo maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo dooranayaan ergooyinka shalay lagu xareeyay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysan in tarada xildhibaanada gobolada dhexe la qorsheynayo in la gaarsiiyo ilaa 63 xildhibaan oo ay soo xulaan xubnaha ergooyinka ee shirka uu kaga furmay magaalada Cadaado.

Maalintii shalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka qeyb galay furitaanka wajiga labaad ee maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com