Wasiiro aan mushaar lasiinin muddo iyo xaalada dowladda SOOMAALIYA oo meel xun maraysa !!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay xubno ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in Dowlada Somalia ay xiligaani ehel u tahay dhaqaale yari kasoo food-saartay dhanka Beesha caalamka.

Dhaqaalaha ay DF Somalia ka heli jirtay Beesha Caalamka ayaa nusqaan ku yimid, halka warar hoosana ay sheegayaan in looga jaray sababo la xiriira musuq-maasuq taagan awgeed.

Dhaqaale yarida heysata DF ayaa la tilmaamayaa inay keentay in mushaar la’aan ay ku dhacdo wasiirada ka tirsan Xukuumada Somalia oo aan weli helin xuquuqdii ay ku lahaayen Dowlada.

Dhanka kale, waxaa si taa lamid ah u hakaday Mushaarkii Ciidamada dowlada gaar ahaan Booliska oo iyagu dhaqaalaha ka heli jireen QM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com