Khilaaf ka taagan XIL ay DF Somalia la damacsan tahay C/llaahi Sambalooshe & Shariif Xasan oo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Wasaarada Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa sheegaya in C/llahi Sambaloolshe maalmaha soo socda loo magacaabi doono Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Turkiga.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Wasaaradu ay iminka u yeertay Danjiraha xiligaani DF Somalia u fadhiya dalkaasi Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan si bedelkiisa loogu magacaabo Sambaloolshe.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Sambaloolshe lasiiyay warqada aqoonsiga Safiirnimo, inkastoo ay jiraan warar kaasi ka duwan oo sheegaya in Maxamed Mursal uu ka biyo diidan yahay in xilkaasi Safiirnimo laga qaado.

Sidoo kale, xil ka qaadista lala damacsan yahay Maxamed Mursal, ayaa waxaa kasoo horjeeda Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed ee Somalia Shariif Xassan oo isagu Mas’uulkaasi horay u geeyay Safaarada Somalia ee Turkiga.

Shariif Xassan ayaa ka diidan in Maxamed Mursal laga qaado xilkaasi iyada oo aan bedel uu ku qanco loo sameyn, waxa ayna taasi muran hoosaad ka dhex dhalisay Madaxweyne Xassan oo isagu wata Sambaloolshe iyo Shariif Xassan oo isna la safan Mursal.

Madaxweyne Xassan ayaa goor sii horeysay ku guul dareestay in Sambaloolshe uu u caleemo saaro Danjiraha Somalia ee Turkiga, waxa ayna arrintaani muujineysaa in mar kale lasoo nooleysiiyay hamiga ah in Mas’uulkaasi laga dhigo Danjiraha, waxaana taagan caqabado horyaal Sambaloolshe.

Lama oga sida leysugu fahmi doono xil ka qaadistaasi iyo magacaabida, waxaana iminka Muqdisho looga yeeray Maxamed Mursal oo hadda ku magacaaban Safiirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com