XOG: Axmed Madoobe iyo Ethiopia oo Kismaayo ku gaaray heshiis ka carreysiin doona KENYA !!!

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu heshiis hoose la galay Xubno ka socda Dowlada Ethiopia oo ku sugan Magaalada Kismaayo.

Heshiiska ayaa la tilmaamayaa inuu ku qotomo Jazeerada kudhaa oo qiyaastii 160 Km dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Axmed Madoobe, ayaa Xubnahaasi heshiis kula galay in lagu wareejinaayo Kudhaa si ay ula wareegan amaanka Deegaanada ku xeen-daaban, waxaana la tilmaamayaa in heshiiskaasi ay goob joog ka haayen Saraakiil ka kala tirsaneyd labada dhinac.

Jazeerada Kudhaa ayaa waxaa iminka gacanta ku hayo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM, waxaana la filayaa in heshiiskaasi uu saameyn ba’an ku yeelan doono Ciidamada Kenya oo iyagu qaab awoodeed ku heysta.

Maamulka Jubba ee uu Hogaaminaayo Axmed Madoobe ayaa waxa uu xiriir adag xiligaani kala dhexeeya Dowlada Ethiopia, taasi oo soo dadajisay in Axmed Madoobe uu fududeeyo hanaanka ay Dowladaasi ku maamuli laheyd Jazeerada.

Dhanka kale, Heshiiskaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Colaad xoogan ay mudooyinkaani ka dhex taagan tahay Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo dhaqdhaqaaqyo ciidan kawada xadka kala beyra.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com