Mooshinka Jubaland oo cod loo qaadayo maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siinaya mooshinkii laga gudbiyay dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Xildhibaan Maxamed Cumar  Maxamuud, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanada maanta ay codka siinayaan mooshinkaasi.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay iney dhageysan doonaan aqrinta koowaad ee sharciga shaqaalaha ajaaniibta iyo sharciga saxaafada, sida uu u sheegay Radio Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho.

Xildhibaanada baarlamaanada dhamaantood ayuu cadeeyay in lagu wargiliyay iney kulankaasi ka qeyb qaataan oo ay soo xaadiraan kulanka baarlamaanka maanta oo kaduwan sidii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Muqidsho
Caasimada@live.com