XOG: Tirada ciidamadii weeraray GURI-CEEL iyo kaalinta dowladda ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalintii shalay dagaal uu ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa soo baxaya xogo badann oo ku aadan qaabkii loo weeraray degmadaasi iyo tirada dagaalyahanada Ahlu sunna ee weerartay degmadaasi.

Caasimada Online xafiiska Galgaduud ayaa ogaaday xogta ku aadan tirada ciidamadii Ahlu sunna ee weerartay degmadaasi kuwaasi oo u suuro gashay inay qabsadaan degmadaasi Guriceel.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in ku dhawaad 60 askari oo ka tirsan Ahlu sunna ay dhowr jiho oo degmada Guriceel ah, taasi oo qasabtay in ciidamada dowlada Soomaaliya ay isaga baxaan degmadaasi.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu sunna ay hub iyo dhiiro gelin ka heleen ciidamada Ethiopia ee ku sugan xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethiopia.

Dagaalkii shalay ayaa sababay dhimashada 10 ruux oo ah dhinacyadii dagaalamay, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Xaalada saaka ee degmada Guriceel ayaa ah mid degen, waxaase jirta baqdinta laga qabo in markale ciidamada dowlada ay weeraraan degmadaasi maadaama ay ku sugan yihiin deegaan 2 km u jira degmada Guriceel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com