Xasan Sheekh oo ka jawaabay wararka la xiriira lacagta lagala baxay bankiga

Muqdisho (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ka hadlay eedeymo loo jeediyo inta badan madaxda dowlada Soomaaliya oo ku aadan in bangiga Soomaaliya lacago si musuq maasuq ah loogala baxo.

Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu beeniyay wararka ku aadan in masuul dowlada ka tirsan uu lacag kala baxo Bangiga Soomaaliya iyadoo aan laga warqabin, uuna jiri karin masuul dowladeed xilkuu doono ha hayee oo dhaqaalo kala bixi kara Bangiga , sida uu sheegay.

Sharaf daro dalka ku imaaneyso ayuu ku tilmaamay in hadalkaasi oo kale laga ay sheegeen siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta kale ee dowlada Soomaaliya, isagoo sheegay in taasi ay jeediyaan inta badan hayadaha caalamiga.

“Haddii bangiga lacagaa lagala baxay la yiraa xisaabiyaha guud ayaa ceeboobaya, gudoomiyah Baanka ayaa ceeboobaya, anigaa ceeboobaya dowladana sidoo kale, marka hadda ma jirto in masuul dowlada ka tirsan uu lacag kala baxo Bangiga cidduu doono ha ahaadee”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay kordhisay tirada mushaarka la siin jiray ee ciidamada dowlada Soomaaliya oo gaaraysay 7 kun laakiin hadda ay gaareyso 30 kun oo askari, sida uu sheegay.

Hadalkaan ayuu Xasan Sheikh ka jeediyay xaflad casho sharaf ah oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u qabtay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com