25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Kulan 3 geesood ah oo ka dhacay Xalane iyo Amisom oo diiday qorshe…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan 3 geesood ah oo dhex maray Guddiga Farsamadda, AMISOM iyo xafiiska UNSOM Somalia ayaa looga wada hadlay halka uu marayo Maamul sameynta Dawladda Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa isla qiray xaqiiqada aan la iska indha tiri Karin ee ah in Beelaha degan Mudug iyo Galgaduud isugu yimideen Shir dib u heshiisiin ah, shirkaasuna uu yahay mid gacan weyn ka geysanaya sidii Dawlad loogu sameyn lahaa Gobolada Dhexe ee Soomaaliya.

Masuuliyiinta UNSOM, AMISOM iyo Guddiga Farsamada oo halkaa ku wada hadlay ayaa isla jeexjeexay waxa laga qaban karo codsiga Dawladda iyo Guddiga Farsamadda ee ah in Ciidan AMISOM ah la geeyo Magaalada Cadaado.

AMISOM ayaa sheegtay in magaalada Cadaado kamid ahayn magaalooyinka ciidanka nabad ilaalinta Midawga Afrika uu Mandate –ka u haysto, iyaga oo halkaa kusoo bandhigay Mab-ka Ciidamada AMISOM iyo sectors-ka ay ka kooban yihiin.

AMISOM ayaa sheegtay si ay uga hawl galaan magaalada Cadaado inay ugu yaraan u baahan tahay 6 bilood, waa marka koowaade in Mandate ka helaan UNSC, marka Labaad in Midawga Afrika diyaariso ciidan iyo Logistiko looga hawl galo deegaankaas cusub oo aaney AMISOM hore uga hawl geli jirin.

Masuuliyiinta UNSOM iyo AMISOM ayaa weydiiyey sababta Dawladdu u dalbanayso in shirka loogu raro Magaalada Cadaado iyada oo haatan shirka Dib u heshiisiinta uu ka socdo Magaalada Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Gobolka Galgaduud, ahna meel beelaha intooda badan ku qanacsan yihiin in shirka kusii wataan, ergadii Maamul u samayntana inta badani ay joogto, Su’aashaas oo Jawaab u heli waayeen dhamaan Masuuliyiintii shirtay ayaa la isku raacay in dib la iskugu noqdo lana wargeliyo dhamaan masuuliyiinta kale ee ay quseyso.

AMISOM iyo UNSOM ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in rabitaanka shacabka lagu shaqeeyo, lagana faaiideysto fursadaha hadda jira, maadaama beelaha dhamaantood hadda wada joogaan Dhuusamareeb heshiinayaana ay dawladu fursadaas ka faaiideysato, arinta maamul u samayntana dedejiso, ilaalisana rabitaanka shacabka.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa ah Magaalo ay degaan in badan oo kamid ah qabaailka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya sida Mareexaan, Habargidir, Duduble, Murusade, Dir iyo Sheekhaal halka Magaalada Cadaado tahay magaalo ay degen yihiin kaliya Jufada Reer Xaaji Saleemaan ee Beesha Habargidir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News