Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si kulul Dowladda Somaliya ugu eedeeyay dagaalka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
“Waxa ka socoanayo Magaalada Guriceel waa wax laga soo abaabulay Madaxtooyada Somaliya. Dowladda baa muddooyinkaan dambeba hub u daabuleysay Gobolada Dhexe.” Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen.
Xildhibaanka, ayaa markale yiri “In muddo ahba hubkii lagu dal dalaayay Gobolada Dhexe weeye waxa maanta lagula dul dagaalamaayo shacabkii deegaanka. Xasilooni iyadoo ka jirto waxa dabka ka huriyay waa Dowladda.
Waxa uu Dowladda Somaliya ugu yeeray inay joojiso fara-gelinta ay ku heyso dadka degga Gobolada Dhexe, inta ay fara-gelintaasi jirto, ayuu sheegay inaanay meesha ka bixi doonin dhibaatada la soo deristay dadka deegaanka.
“Madaxtooyada ha joojiso fara-gelinta ay ku heyso dadka deegaanka. Waa dad tashaday oo diyaar u ah inay dhistaan Maamul ay u dhan yihiin, inta ay fara-gelintu socoto waa caqabad dadka deegaanka heysata.” Sidaasi waxaa yiri Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.
Xildhibaanka, ayaa hadalkaan maanta ka sheegay Magaalada Muqdisho, xilli uu kula hadlaayay Warbaahinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com