Xog: Tuuryare oo baadi goob ugu jira jago cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno mas’uuliyiin saaxiib dhow la ah Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa sheegay in Taliyuhu uu xiligaani baadi-goob xoogan ugu jiro sida uu uga mid noqon lahaa Xildhibaanada cusub lagu wado inay bedelaan Xildhibaanada BFS.

Xogtu waxa ay hoosta ka xariiqeysaa in Tuuryare uu bilaabay kulamo uu la leeyahay Odayaasha lafta uu kasoo jeedo, si ay ugu soo daraan Xildhibaanada ay ku yeelan doonaan Baarlamaanka cusub oo dhismihiisu dhawaan bilaaban doono.

Ujeedka uu Tuuryare ka damacsan yahay baadi-goobka kamid ahaanshiyihiisa BFS ee imaan doona ayaa ah inuu kusoo galo Siyaasada dalka, bacdamaa uu cadow badan ku kasbaday xilka uu iminka u hayo DFS.

Odayaasha Beeshiisa ayaa la sheegayaa in iminka ay u ogolaaden in Tuuryare uu kamid noqdo Baarlamaanka cusub ee imaan doona.

Inta badan Mas’uuliyiinya hadda ka tirsan Hay’adaha amaanka iyo Wasaaradaha ayaa ku xoomay Odayaasha Beelahooda si haddii ay ka dhexmuuqan waayan Dowlada imaan doonta ay uga mid noqdaan Baarlamaanka Cusub.

Si rasmi ah looma oga tirada uu ka koobnaan doono Baarlamaanka imaan doono, waxaana jira warar hoose oo xaqiijinaaya in tirro ahaan ay ka badan doonaan Baarlamaanka iminka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com