Odayaasha Hiiraan oo Xamar laga wacay kadib arrin la fileyn oo kusoo baxday XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia uu Jahwareer ka heysto wararka kala duwan ee kasoo yeeraya Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Xassan uu aad uga carooday haddal kasoo yeeray Odayaasha Hiiraan kaasi oo ah in Odayaasha iyo waxgaradka aysan Jowhar uga qeybgali doonin Shirka maamulka loogu sameynaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha oo hadalka kasoo yeeray Odayaasha ka duulaaya ayaa la sheegayaa in magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia uu ugu yeeray Tirro Odayaal ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo muddo Seddex maalin ah ku sugnaan doona Muqdisho, sida ay xogtu sheegeyso.

Xassan Sheekh oo ka cabsi qaba fashil ku yimaada shirka ka furmaaya magaalada Jowhar ayaa doonaaya in Odayaashaasi uu kala hadlo adkeynta heshiiskii ay madaxweyne Xassan kula galeen magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxda sare ee dalka ayaa aad kaga cabsi qaba in Fashil ama dib u dhac uu ku yimaado shirka Jowhar, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Madaxweyne Xassan iyo Wasiirka arrimaha gudaha ay wadaan qorsho dib u dhac maalmo ah lagu sameynaayo furitaanka shirkaasi.

Lama saadaalinkaro natiijooyinka kasoo bixi doona kulamada uu Xassan Sheekh magaalada Muqdisho kula qaadan doono Tirro Odayaal kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com