Xog: Axmed Madoobe oo 10 wasiir ku dhowaaq..

Kismaayo (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog dheeraad ah oo ku saabsan golaha wasiirada la filayo inuu ku dhawaaqyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana wararka ay sheegayaan inuu qorsheeyay Axmed Madoobe inuu ku dhawaaqo qaar kamid ah wasiirada maamulkiisa.

Ujeedada Axmed Madoobe uu ku magacaabayo wasiirada maamulkaasi ayaa ah inuu doonayo in ka hor shirka looga hadlayo shirka doorashada dalka Soomaaliya sanadka soo socdo, oo la filayo in 10-ka bisha Janaayo uu ka dhaco magaalada Kismaayo.

Xubno ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu shaacin doocin doono 10 wasiir oo la sheegay iney ka mid noqonayaan maamulka Jubbaland, sida xubnaha ku sugan madaxtooyada ay inoo sheegeen.

Madaxweynaha Jubbaland oo dib loo doortay bishii sideedaad ee sanadkaan ayaan ilaa iyo hadda soo dhisin wax xukuumad ah, Madaxweynaha ayaa dhow jeer Golaha Baarlamaankiisa ka codsaday in wakhtiga Xukuumadda uu ku soo dhisayo loo kordhiyo, waxaana xiligii ugu dambeeyay ee madaxweynaha la siiyay uu ku egyahay bilowga bisha koobaad ee sanadka cusub.

Waxaa jiro beelo badan oo dhaliilsan kamid ahaansho la’aanta golaha wasiirada maamulka Jubbaland, waxaana Axmed Madoobe labo jeer oo min labo bilood ah ka dalbaday baarlamaanka in waqti loosiiyo magacaabida wasiirada maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com