XOG: Axmed Daaci oo kashifay qorshaha XASAN SH. uu ka leeyahay dhismaha maamulka cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan uu madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay in maamul loo sameynaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, ayaa waxaa arrintaasi ka digay Axmed Daaci.

Axmed Daaci oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Maamulka Degmada Wadajir ee G/Banaadir ayaa sheegay in aragti ahaantiisa uu qalad u arko in lagu degdego maamul loo sameeyo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Axmed Daaci waxa uu tilmaamay in xiriir wanaagsan uusan ka dhexeyn Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dega Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, taasina ay muujineyso in marnaba aysan labada dhinac isku soo dhawaankarin.

Wax la yaab leh ayuu ku tilmaamay Heshiiska dhigaaya in labada dhinac ay isku biiraan waxa uuna faragalin Siyaasadeed ku sheegay in Jowhar lagu qabto kaliya shirka.

Axmed Daaci ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu ka cabsi qabo kala sii fogaansho ku imaada labada dhinac Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu Axmed Daaci sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh uu Siyaasad fog ka leeyahay dhismaha maamulkaasi, islamarkaana uu doonaayo inuu maamulkaasi u dhiibto shaqsi isaga ku weyn sida kan maamulka Galmudud.

Axmed Daaci ayaa ku baaqay inay aayahooda ka tashadaan dadka kasoo jeeda Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo aysan u hogaansamin rabitaanka DFS.

Dhanka kale, waxa uu bidhaamiyay in qorshaha lagu dhisaayo maamulka cusub uu yahay mid lagu qancinaayo shaqsiyaad saaxiib dhow la ah Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com