25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaan afka ku weeraray Odayaasha Hiiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim oo ka tirsan BFS ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Odayaasha Hiiraan ay ka weecanayaan Heshiiskii ay la gaaren Madaxweyne Xassan Sheekh ee bilowga asbuucii tagay ka dhacay magaalada Beledweyn.

Xildhibaanka ayaa sheegay in arrintaani lagu dhisaayo maamulada Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu rumeysan yahay inay fursad u tahay labada dhan waxa uuna ku baaqay in loo hogaansamo qaabka uu madaxweyne Xassan wax u wado.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim ayaa sheegay in loo baahanyahay in Odayaasha Dhaqanka ay muujiyaan baahida loo qabo midoobida labadan Gobol iyo dadka inay yeeshaan Maamul ay ku mideysan yihiin.

Odayaal gaar ah ayuu sheegay inay carqaladeynayaan Hanaanka maamulka loogu dhisi lahaa Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe waxa uuna taasi ku sheegay nasiib darro.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim waxa uu sheegay kulamo dhowr maalin socda kadib Odayaasha Dhaqanka inay taageereen go’aanka Madaxweynaha uu caasimada kaga dhigay Buulo burde halka goobta shirka lagu qabanayana uu kaga dhigay Jowhar, balse uu maqlaayo warar sheegaya in Odayaasha Hiiraan ay taasi ka keeneen dood islamarkaana ay ka caga jiidayaan inay shir u tagaan magaalada Jowhar.

“Anigu waxaan ku talinayaa in reer Hiiraan ay ka faa’iideystaan fursadaani. lama heli doono mid tan lamid ah. waa in Odayaasha ay shacabka dantooda fiiriyaan oo wax waliba aysan kusoo koobin rabitaankooda”

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim ayaa ka digay in Odayaasha Hiiraan ay qaatan warxumo tashiilka la faafinaayo, waxa uuna ku taliyay in fursadaasi aan la dayicin oo laga faa’iideysto, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Todobaadkaani ayaa waxaa la filayaa in magaalada Jowhar uu ka furmo shirka maamul u sameynta goballada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News