Xog: Tv-ga iyo Idaacada DF oo laga mamnuucay baahinta qodob muhiim u ah dowlada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Saraakiisha Wasaarada warfaafinta Xukuumada Somalia ayaa sheegaya in wasiirka wasaarada uu si cad u mamnuucay in Tv-ga iyo Idaacada Dowlada laga siidaayo warbixino la xiriira midnimada Somalia.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maamulka kaga digay in la baahiyo barnaamij la xiriira midnimada Somalia, waxaana jira warar kaasi ka duwan oo sheegaya in howlwadeenada uu kuwargaliyay ineysan baahinkarin warbixino duraaya Somaliland.

Wasiirka oo kasoo jeeda beelaha dega Somaliland ayaa inta badan is hortaaga in warbaahinta Qaranka ay ka shaqeyso hanaanka suuragalinkara isku soo dhaweynta DFS iyo maamulada dalka.

Wasiir maareye waxa uu howlwadeenada ugu goodiyay in tallaabo uu ka qaadi doono cidii amar la’aan baahisa warar la xiriira midnimada Somalia, sida ay Caasimada Online ku heleyso xogta.

Sarkaal ka howlga wasaarada oo Caasimada Online la wadaagayay arrintaani ayaa yiri ”Xaqiiqdii wey jiraan culeysyo naga heysta dhanka wasiirka. waxa uu ka hor imaaday in la baahiyo wararka la xiriira midnimada Somalia, taasi aniga ayaa xaqiijinaaya oo wax leyga weydiin doonaa”

”Haddii ay Dowladu qudheeda diidan tahay in la baahiyo midnimada ma filaayo in Somalia ay kasoo bogan doonto cawaaqibta heysata. Maareye maaha in maslaxada Somaliland awgeed uu u diido in bulshada lagu wacyi galiyo barnaamijyada midnimada”

Sarkaalkani waxa uu si cad u sheegay in maareye uu ugu goodiyay in xarig iyo shaqo ka eryin cidii amar la’aan baahisa waxa ay tahay midnimada iyo faa’iidooyinka ku jira.

Tallaabadaani ayaa cadeyn u ah in DFS ay ku dhexjiraan xubno caqabad ku ah jiritaanka Somalia, kuwaasi oo dhabarka xijinaaya Qaranimada islamarkaana ku taamaya in Gobolo gaar ah ay dowladeeyan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com