Madaxweyne Xasan Sheikh oo gaaray Baladweyn

Muqdisho( Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baladweyne iyadoona uu halkaasi kulamo kala duwan uu kula leeyahay Mas’uuliyiinta Maamulka Cusub iyo Odayaasha Dhaqanka.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in halkaasi kulamo kula qaato Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) kaasi oo Shalay lagu magacaabay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Odayaasha ayuu sidoo kale ku boorin doonaa inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee uu Gobolka yeeshay waxa uuna sidoo kale sharaxaad kasiin doonaa qaabka ay DFS u baahan tahay in loo maamulo maamulka.

Lama oga waxa kasoo bixi doona kulamada ka socda magaalada Beledweyne, waxaana si aad ah loo adkeeyay amaanka magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com