Xog: Faarax Cabdulqaadir oo olole culus ugu jira 3 qodob oo aan u cuntameynin beesha Daarood

Muqdisho( Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Cadaaladda, Garsoorka iyo Dastuurka Farah Abdulkadir, ayaa ololo xoogan ugu jira maja-xaabinta madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Faarax ayaa iminka wakhtigiisa ugu badan galinaaya la kulanka Siyaasiyiinta, Odayaasha iyo aqoonyahaanada Beelaha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo kala jeeda deegaanada ay maamulaan Puntland iyo Jubbaland ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Ujeedka kulamada Faarax ayaa ah in mudada ka harsan shirka wada-tashiga ee ka furmi doona magaalada Kismaayo uu tashkiilin kula dhaqaaqo dadka waxtarka u ah Siyaasada labadaasi maamul, si uu u sameeyo xubno taageera nidaamka awood qeybsiga ee 4.5.

Faarax ayaa xoogiisa isugu geeyay fulinta Seddex qodob oo laba kamid ah ay yihiin in Somalia laga hirgaliyo doorasho 4.5, In maamulada Jubba, Puntland lagu jabiyo Siyaasiyaanta, aqoonyahaanada iyo Odayaasha iyo In magaalada muqdisho lagu martigaliyo Odayaal laga soo xuli doono deegaanada Jubbaland iyo Puntland kuwaasi oo loo adeegsan doono ka hortaga Siyaasada ay Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas ku burburinayaan nidaamka 4.5, oo xiligaani maslaxad ay u arkaan Dam-jadiidka.

Qorshahaani uu wado Xildhibaan Faarax C/qaadir ayaa waxaa dhaqaale adag ku bixinaaya Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh, si Faarax uu u kala dhantaalo qorshooyinka ay Madoobe iyo Gaas ku burburinayaan awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed.

Magaalada muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa mashquul ku aadan shirka la filaayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Kismaayo, kaasi oo lagu soo gabagabeyn doono wada-tashiga Qaranka islamarkaana laga soo saari doono natiijo.

Kulamo lamid ah kan ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka socdaa magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, waxaana looga soo horjeeda in Somalia lagu sii maamulo 4.5.

Dhanka kale, kulamadaani ayaa haddii ay fashilmaan waxaa laga cabsi qabaa in Somalia ay sii kala fogaato, waxa ayna Dam-jadiid doonayaan in kursiga madaxtinimo ay ku gaaran ku shaqeynta nidaamka 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com