Xog: USA iyo EU oo Muqdisho ka xulanaya musharax bedela Xasan

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo wareedyo ka howlgala xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in xarunta ay ka socto xulashada shaqsiga lagu bedeli doono Madaxweynaha iminka jooga Xassan Sheekh Maxamuud.

Xulashada shaqsigaasi ayaa waxaa iska kaashanaaya diblumaasiyiinta wadamada USA iyo EU-da ka jooga Somalia, kuwaasi oo xulistooda aysocon doonto muddo asbuuc ah, sida ay xogtu sheegtay.

Diblumaasiyiinta USA ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa wata laba ruux oo Somali-Mareykan ah kuwaasi oo midi uu iminka joogo magaalada Muqdisho, halka kan kale uu dibadda ku maqanyahay.

EU-da ayaa iyana wadata hal mas’uul oo aan la sheegin dhalashada uu heysto, waxaana iminka la sheegayaa in laba maalin un ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho islamarkaana uu degan yahay xarunta Xalane.

USA iyo EU-da ayaa sidoo kale ka tashanaaya cid fursadaani ka faa’iideysan laheyd waxa ayna labada dhinac ololo ugu jiraan sida ay ku heli lahaayen xilka afarta sanno ee soo socta.

Reer galbeedka ayaa aad u daneynaaya in Somalia ay kusii jirto dhibta ay iminka ku jirto, waxaana taasi looga gol leeyahay in laga faa’iideysto siyaasiyiinta iyo siyaasada Somalia oo aan jiho loo raaco laheyn.

Lama saadaalinkaro isfahanka U.S iyo EU-da inkastoo xulashada ay u badnaan doonto rabitaanka USA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com