Muqdisho: Go’aan looga gaarayo cida sugeysa amniga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga magaalada Muqdisho iyo Taliyayaasha Ciidamada AMISOM kuwooda ka howlgala magaalo madaxda iyo Gobolada dalka ayaa Xarunta xalane uga socdaa kulan lagu go’aaminaayo waxa ay noqon doonaan ciidamada ilaalin doona xarumaha doorashada 2016-ka.

Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ayaa shirka uga gol leh diyaarinta qorshaha ciidamada sida gaarka ah u ilaalin doona xarumahaasi waxa ayna u codeynayaan dowladaha ay kasoo kala jeedan ciidamadaasi.

La wareegida goobaha ay ka dhaceyso doorashada dalka ayaa waxaa u tartamaaya dalalka ay ciidamada ka joogan Somalia marka laga soo tago magaca guud ee AMISOM.

Dowladaha Ethiopia iyo Ugandha ayaa ololaha ugu badan wada waxaana sidoo kale, jira codsiyo ka imaanaya dhanka Dowlada kaasi oo ku saleysan in ciidamadeeda looga danbeeyo amniga goobaha doorashada.

Shirarka iminka ka socda Xarunta Xalane ayaa u badan in lagu soo sooci doono ciidamo isku dhaf ah, waxa ayna Beesha Caalamka kasoo horjeedaa in amniga loo gacan galsho DF.

Wakiilada ayaa aragti ahaan ka mideysan in xaqiijinta amniga xarumaha doorashooyinka lagu wareejiyo ciidamada ethiopia, islamarkaana wakhti dheer laga soo daabulo magaalada Baydhabo si ay ula qabsadaan jawiga magaalada Muqdisho iyo sida ay wax uga sii arkaan goobaha amaankooda la sugi doono.

Lama oga go’aanka kasoo bixi doona Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com