Xog: Ujeeddo kale oo ku dhex jirta shirka Midowga Musharaxiinta iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta uu shir uga bilowday Hotel Decale ee ku yaalla garoonka diyaaradaha Muqdisho ra’iisul wasaare Rooble iyo Musharaxiinta Mucaaradka, iyadoo uu shirka goob joog yahay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi.

Ilo ku dhaw shirka ayaa sheegaya inay jirto ujeeddo kale oo ku dhex qarsan shirkan la sheegay in looga hadlayo arrimaha ku saabsan doorashada iyo adkeynta heshiiskii la gaaray Khamiistii lasoo dhaafay.

Wararka aan heleyno waxey sheegayaan in kulankaan lagu dhameynayo mad-madowga ku kala dhex jiray labada shaqsi ee iska badalay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Kheyre sanadkii lasoo dhaafay bartamahiisii ayaa si aan dastuurka waafaqsaneyn looga tuuray kursiga, sidoo kalana waxaa la inkiray warqad uu u diray ra’iisul wasaaraha xilka sii hayaha hadda, isagoo ka codsanaya inuu sida dastuurka qabo xilka ku wareejiyo.

Mahdi Guuleed oo markaas sifo aan sharci aheyn loogu magacaabay inuu noqdo sii haye ayaa xilka ku wareejiyay Maxamed Xuseen Rooble, waxaana la aaminsan yahay in madasha maanta si gaar ah arintaas loogu dhameyn doono.

Xasan Cali Kheyre oo aan kulankii Khamiistii kasoo qeyb galin, ayaa maanta soo xaadiray Decale, ujeedada ku dhex qarsoon shirka midowga musharaxiinta iyo Rooble ayaana lagu sheegay in labada masuul la is hor fariisin doono si loo dhameeyo mad-madowga ku kala dhex jira.