XOG: V/Somalia oo la ciir ciireysa Siyaasado iska soo horjeeda

Muqdisho (Caasimada Online)-Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia waxaa maalmahan ka socda Dhaqdhaqaaqyo looga aarrinsanayo Doorashooyinka soo socda, Iyadoo Madaxda ugu tunka weyn ka fekerayaan sidii ay ugu sii waari lahaayeen Hoggaaminta Dalka iyo Qasriga Villa Somalia.

Haybad gaar ah ayuu dareemayaa Mas’uul kasta oo Villa Somalia ka dhex muuqda. Laakiin, waxay Madaxda Dowladda Federalka ee uu Xilli-hawleedkooda ka idlaan doono wax ka yaar labo bilood kadib, ayaan ku qanacsanayn inay si fudud uga soo huleelaan Villa Somalia.

Haatan, waxaa gudaha Qasrigaasi lagu dhex arkayaa Madax iyo Mas’uuliyiin kale oo si joogto ah sawiro xusuus ah ugu galayo ama ku dhex tamashlaynayo, kuwaasi oo aan ka samri Karin Maqaamka iyo Nolosha Sare ee ay ku naalloonayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu Qasriga Xafiis iyo Hoy u ahaa tan iyo markii xilkaasi loo dhaariyey dabayaaqadii sannadkii 2012kii ayaana si gaar ah looga dareemi karaa inuu ku mintidayo sidii uu mar kale 4 sanno ugu sii nagaan lahaa Qasriga Villa Somalia.

Balse, hanka noocaasi ah ayaa u muuqdaa inuu humaag ku jiro, maadaama ay Doorashadda soo socota kula loolami doonaan Madax Khibrad leh oo caan ah, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno ay horey Siyaasadda ugu kala irdhoobeen.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Doorashadda Madaxweynenimadda noqon doono mid ka adkaan doonta Doorashaddii Madaxtinimadda ee 2012-kii, taasi oo uu Madaxweyne Xasan si dirqi ah kaga guuleystay Madaxweynne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagu xilligaasi ahaa Madaxweynihii Dowladdii KMG ee Somalia.

Haatan u soo laabanp, Dhaqdhaqaaqyadda haatan ka socda Qasriga Villa Somalia, ayaa waxaa jira Madax badan oo Hami Siyaasadeed ka leh Doorashadda Madaxtinimadda iyo tan Barlamaanka ee dhawaan la qaban doono.

Guddoomiyaha xilligan ee Bar;amaanka Federalka, Prof.Jawaari ayaa isaga ku mintidayo in mar kale loo doorto Xilkaasi, halka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid qeyb ka yihiin Musharaxiinta isku arki doona Wareegga Doorashadda Madaxtinimadda soo socota.

Xarig-jiid Maamul iyo Loolan Awoodeed horey uma dhex marin Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaare Cumar, waxaana taasi lagu micneeyey inay Jaal ku ahaayeen Siyaasadda oo Dan Joogto leh.

Musharaxnimadooda ayaana lagu fasiri karaa Xeellad Isbahaysi, oo hadba kii Doorashadda ku horreeya lagu taageeri karo, waxaana dhici karta inay ku kala irdhoobaan Doorashaddaasi darteeda.

Ilo-wareedyo ku dhow Siyasiyiinta jaalka dhow la ah Labadaa Mas’ul ayaa rumeysan in xaalladu noqon karo mid isbedesha, maadaama horey loo yiri Qalanjo Qeybsami weyday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com