26.5 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Xog cusub: Villa Somalia oo madaxa isku galisay xildhibaannadii mooshinka ka keenay JOWHAR

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa xaqiijiyay in Mooshinkii laga keenay shirka Jowhar uu gaaray heer dib loogu celsho Xildhibaanadii soo diyaariyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Mooshinka uu Khilaaf ka dhex abuuray Xildhibaanada soo diyaariyay, waxa uuna Xildhibaankaasi farta ku goday in sababta Khilaafkaasi ay tahay mid ka imaaday dhanka Madaxtooyada Somalia oo aan gabi ahaan ku qanacsaneyn Mooshinka socda.

Mooshinka ayuu sheegay in la doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashada waxa uuna tilmaamay in Mooshinkaasi uu sababi karo in la hakiyo Shirka kadibna Xassan Sheekh uu waayo Codka Xildhibaanada cusub ee maamulkaasi kasoo gali doona BFS.

Xildhibaanka waxa uu intaa ku daray in Madaxtooyada Somalia ay burburinta Mooshinka laga keenay shirka Jowhar ay ku bixineyso dhaqaale iyo Siyaasad, si aan loo carqaladeyn qorshaha uu Madxaweyne Xassan ka damacsan yahay dhismaha maamulkaasi cusub oo ay yeelan doonaan Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Dhanka kale, Mooshin wadayaasha ayuu sheegay in qudhooda ay yihiin kuwo aan isku xirneyn balse ay ka tanbadisay waxa uu ugu yeeray caadifad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News