Xog: Villa Somalia oo wadda abaabul iyo R/W Kheyre oo lagu kiciyey wasiiradiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa banaanka u soo baxaya khilaafkii ugu adkaa uguna weynaa oo afar sano kadib soo kala dhaxgala madaxda ugu sareysa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Khilaafkaan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo guddoonada baarlamaanka, waxa uuna sameeyay hay’adaha fulinta iyo Golaha baarlamaanka.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in habeen hore xildhibaanada la kulmay Madaxweynaha ay ku jiraan wasiiro ka tirsan xukuumadda Kheyre ayna ka soo horjeesteen qorshaha ra’iisul wasaaraha ee ah in loo laabto doorasho dadban.

Villa Somalia ayaa abaabulaysa in baarlamaanka iyo wasiiradaba diidaan qorshaha Ra’iisul wasaaraha oo ah in laga wada hadlo doorashada Soomaaliya nuuca ay noqoneyso iyagoo Madaxweynaha ka taageraya qorshahiisa qof iyo cod ah, ee aan dalka ka dhici karin, balse ujeedku yahay in waqti lagu lumiyo si loo helo muddo kororsi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u tegay Dhuusomareeb inuu madax goboleedyada kala hadlo arrimaha doorashada, waxaana la rumeysan yahay inuu kaga aragti yahay inaysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Lama oga sida uu noqon doono xaalka Soomaaliya hase yeeshee waxaa sii xoogeysanaya khilaafka madaxda dowladda, kaas oo ku saabsan doorashada Soomaaliya.