Baarlamanka Taiwan oo isu gacan qaaday iyo arrinta doodda dhalisay + Sawirro

Taipei (Caasimadda Online) – Baarlamaanka dalka Taiwan ayaa isku gacan qaaday xaruntooda kadib dood adag oo ay ka yeesheen ansixinta mas’uuliyiin ka tirsan guddiga Madaxa Banaan ee la socodka howlaha la xisaabtanka Dowladda.

Waxaa dhacay is maandhaaf u dhaxeeya xildhibaanada isku yimid, taasna waxey sababtay inuu gacan qaad dhexmaro, waxaana laga soo tabiyay sawiro aan qurux badneyn.

Madaxweynaha Taiwan ayaa soo jeediyay in Chen Chu oo ka tirsan xisbiga talada haya loo magacaabo inuu ka mid noqdo guddiga dabagalka howlaha Dowladda dhanka xisaabta, waana tan la isku fahmi waayay.

Muran ayaa ka bilowday dhismaha Baarlamaanka Taiwan, waxeyna ugu dambeyntii tagtay in xildhibaanada is feeraan.

Ciidamada amaanka ayaa kala dhexgalay xildhibaanada ay dirirtu dhexmartay, waxeyna noqotay arintaan markii saddexaad oo ay sidaan oo kale ka dhacdo xarunta Baarlamaanka Tailan muddo laba todobaad gudahiis ah.

Iyadoo ay taasi jirto ayey hadana Guddiga Anshaxa Baarlamaanka wadaan xeerar iyo qodobo ay doonayaan iney ku xakameeyaan arintaan, maadaama muran iyo dood walba oo ka dhacda xarunta ay sababto in gacan qaad yimaado.