HINDIYA oo ka cabaneysa dhibaato ay sheegtay inay uga timid dhanka Somalia

Delhi (Caasimada Online) – Hindiya ayaa ka cabaneysa dhibaato ay sheegtay inay uga timid dhanka Soomaaliya oo ah Ayax kasoo qaxay kadibna soo maray Pakistan oo ugu dambeyn dalkeeda soo gaaray.

Wargayska Hindustan Times ayaa qoray in lagu arkay Bhuj oo ka tirsan Gujarat ayax fara badan oo ka soo dagaagay Soomaaliya, soona maray Pakistan, waxaanna wargaysku xusay in ayaxani uu dhibaato ku hayo beeralayda Gobolka Rajestan, ayna suurtagal tahay inuu gobolo kale oo hor leh ku sii fido.

“Waxaa suurtagal ah in ayaxan Soomaaliya uu ka soo qaxay, soona maray Yeman, kaddibna Yeman uu kaga sii  gudbay  Pakistan, sidaana uu ku soo gaaray Hindiya, wuxuu soo raacay Badwaynta Hindiya” Ayuu yiri Dr. K. L. Gurjar oo ka mid ah mas’uuliyiinta wasaaradda beeraha dalkaas, oo uu wargaysku soo xiganayay, wuxuuna intaasi raaciyey inay diyaargarow ugu jiraan sidii ay ayaxaasi hawada uga rushayn lahaayeen.

Wargaysku waxaa kale oo uu sheegay in hay’adda cuntadda adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo FOA ay horay kaga digtay suurtagalnimada xilliyada kulaylaha in gobolkaasi uu soo gaari karayo ayax ka soo hayaama Soomaaliya.

Cabdishakuur Cilmi Xassan – Waxaad kala xiriir kartaa  Email: shakuurcadde73@hotmail.com