Sawirro: Khilaafkii ka jiray shirka beelaha Mudullood oo xal buuxa laga gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf ka dhashay qaban-qaabada shirka Beelaha Mudullood oo u dhaxeeyay siyaasiyiinta iyo dhaqanka beesha, ayaa ugu dambeyn shalay galab laga gaaray heshiis buuxa oo horseedi doona in shirka la qabto.

Shirkan oo la filayey inuu dhaco 13-kii July ayaa baaqday kadib markii xubno ka tirsan beesha oo ku xiran Villa Somalia ay horseedeen khilaaf qorshuhu ahaa in shirka lagu baajiyo.

Kullanka waxaa ka qeyb galay; Cali Ugaas Cabdulle, Cali Mahdi Maxamed, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Muuse Suudi Yalaxow Ugaas Maxamud Cali Ugaas, C/qaadir Macalin Nuur, Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale waxaana isku cafiyey Ugaas Maxamuud Cali iyo Muuse Suudi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Macallin Nuur ee degmada Hodan, ayaa waxaa si wadajir ah loogu ballamay in laga shaqeeyo habsami u socodka shirka guud ee Beelaha Mudullood, kaasoo dhowaan furmi doona.

Dadaalada lagu xaliyay kala aragti duwanaanta iyo madmadowgii ka jiray qaban qaabada shirka ayaa waxaa hormuud u ahaa Madaxweynayaashii hore, Imaamka, Ugaaska iyo Khaliif Cabdulqaadir Macalin Nuur.

Xalka laga gaaray khilaafka guud ee beesha ayaa yimid kadib markii sidoo kale xalay la xaliyey khilaaf gaar ah oo u dhaxeeyey Senator Muuse Suudi iyo Ugaaska Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo Mudane Shariif Shiekh Axmed oo ah laba Madaxweyne oo xilka isaga dambeeyey haatanna hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa mas’uuliyiintan ku booriyey in laga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa loona walaaleyn lahaa bulsha weynta gobolka.

Waxaa la filayaa in dhowaan dib loo shaaciyo waqtiga kale ee uu qabsoomi doono shirka beesha Mudullood.