Jawaar Maxamed oo xabsiga lagu sii haynayo iyo xiisada ITOOBIYA oo kasii dareysa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Maxkamadda sarre ee dalka Itoobiya ayaa maanta go’aamisay inuu sii xirnaado Jawaar Maxamed, oo ah hoggaamiya mucaaradka Itoobiya, taasi oo uga sii dareysa xiisadii cakirneed ee muddooyinkii dambe ka taagneyda dalkasi.

Jawaar Maxamed ayaa bilowgii bishan xabsiga loo taxaabay, xili uu socday iska hor imaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xiriiray meydka Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oromo ah oo habeenimo la dilay, taasi oo dhalisay dibad-baxyo xooggan.

Maxkamadda sarre ee Itoobiya ayaa go’aamisay in muddo labo toddobaad oo kale xabsiga lagu sii hayo Jawaar Maxamed, oo la rumeysan yahay inuu xarigiisu dab kusii qabtay xiisada ka dhalatay dilka fanaanka Oromada ahaa.

Maxkamadda ayaa go’aankan ku macneeysay mid ay bileyska fursad dheeri ah u siineyso inay baaran Jawaar, oo ay dowladda Itoobiya u xirtay tuhun ahaa inuu qeyb weyn ka qaatay abaabulka banaan-baxyadii gil-gilay dalkaasi.

Jawaar oo sidoo kale ah aas-aasaha warbaahinta Oromia Medi Network, ayaa wajahaya eedeymo culus oo la xiriira rabshadaha Itoobiya oo galaaftay nolosha ku dhawaad 200-ruux.

Dhageysiga kiiska Jawaar ayaa dhici doonta dhamaadka bishan, iyada oo loo muddooyey 30-July ee sanadkan 2020, sida ay sheegtay Xeer-beegtida dalkaasi.

Xariga ay Maxkamaddu u kordhisay Jawar ayaa sii xumeyn kara rabshado dalkaasi ka taagna, iyada oo kuwa hor leh dib uga istaadhmi karaan gobolka Oromia, oo ku hareereysan magaalada Addis-Ababa, islamarkaana ah xudunta qowmiyadda Oromada.