Jabuuti oo shaaca ka qaaday xiliiga ay duulimaadyada caalamiga ah dib u fureyso

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay si rasmiya u shaacisay xiliga ay dib u fureyso duulimaadyada caalamiga ah oo in muddo ah u xayirnaa sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19.

Jabuuti ayaa hore u diiwaan-gelisay Kiisas badan oo cudurkaasi ah, taasi oo sababtay inay xukuumadu soo rogto xayiraado looga baaqsanayo in dalkaasi uu ku faafo, inkasta oo muddooyinkii dambe hoos u dhacay, sida uu sheegay Wasiirka gaadiidka dalkaasi.

Maxamed Muuse Axmed, Wasiirka gaadiidka dalka Jabuuti ayaa sheegay in maalinta berrito oo Sabti ah ay qorsheynayaan inay dib u furaan duulimaadyadii caalamiga ahaa, kaasi oo 18-kii Bishii Maarso ee sanadkaan ay u joojiyeen cudurka Covid-19 dartiis.

Xanibaada dhanka duulimadyada ee dalka Jabuuti ayaa hoos u dhac baahsan ku keentay dhaqaalihii dalkaasi tan iyo markii ay joojiyeen, sida uu ka dhawaajiyey Wasiirka gaadiidku.

Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirku sheegay in gudaha madaarka dalkaasi ay ku diyaariyeen goobo dadka looga baarayo cudurka safmarka ah ee Coronavirus, taasi oo looga hortagayo in qof cudurkaasi qaba uu gudaha u galo magaalada Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa mar safka hore ka galay dalalka Afrika ee kiisaska ugu badan ee Covid-19 laga diiwaan-geliyay, inkasta oo ay hoos u dhaceen muddooyinkii dambe, isla markaana ay dad hor leh ka bogsadeen.